Dowlada Kenya oo Sheegtay in Ciidankeeda ay Dileen Sarkaal ka Tirsan Al-Shabaab

0

War kasoo baxay dowlada Kenya ayaa lagu sheegay in Ciidamada Difaaca Kenya ay dileen Sarkaal ka tirsan Xarakada Al-Shabaab oo ay baadi goobaysay dowlada muddo sanado ah.

Laamaha amaanka dalka Kenya ayaa sheegay in saraalka la dilay in muddo badan la baadi-goobayay islamarkaana uu ka  dambeeyay  la dilay iyo qaraxyo ka dhacay Gobolka woqooyi bari ee dalka Kenya.

Taliyaha Ciidanka Boliiska degmada Kwale Francis Wanjohi  ayaa sheegay in ay dileen sarkaalkaas ka tirsan Shabaab sidoo kale ay baadigoobayaan saraakiil ka tirsan Shabaab oo ku sugan gudaha degmadaasi.

Francis Wanjohi Taliyaha Ciidanka Boliiska degmada Kwale ayaa sheegay in ay sidoo kale gacanta ku dhigeen Idiris Aadan oo ka mid ahaa saraakiisha Kenyaan ah ee ka tirsan Shabaab ee ku sugan degmada Kwale.

Dowlada Kenya ma aysan shaacin Magaca sarkaalka ka Tirsanaa Al-shabaab ee Ciidanka difaaca Kenya ay dileen iyo qaabka loo dilay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here