Dagaalyahan u Dhashay Masar oo La Ogaaday  in uu kamid ahaa Shabaabkii Lagu dilay Weerarkii Halgan

0

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in dagaalyahan  u dhashay dalka Masar oo ka Tirsanaa Al-shabaab uu ku dhintay weerarkii Al-shabaab ay 9-kii bishaan  ku qaadeen saldhig ay Ciidamada Ethopia  ku lahaayeen deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan.

Khattab Al-Masri,  oo ah muwaadin u dhashay dalka Masar oo ka Tirsanaa Al-shabaab ayaa la baahiyay in  uu kamid ahaa 200-askari oo dowlada Ethopia ay sheegtay in Ciidankeeda ay ku dileen weerarkii ay al-shabaab kusoo qaadeen deegaanka Halgan.

Khattab Al-Masri ayaa sidoo kale saaxiib dhow la ahaa Abou Mansoor al amriki oo isna Soomaliya lagu dilay.

Al-shabaab wali kama aysan Hadlin dhimashada Khattab Al-Masri.

Al-shabaab ayaa 9-kii Bishaan weerar xoogan ku qaaday saldhig ay ciidamada Ethopia  ku lahaayeen deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan Dowladaha Ethopia, Somaliya ayaa sheegay in weerarkaas Al-shabaab loogu dilay 200-askari.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here