Maxakamada Darajada koowaad ee Ciidamada qalabka sida ee Maamulka Puntland ayaa maanta oo sabti ah ku dhawaaqday in xukuno dil toogasho ah lagu xukumay 43-dhalinyaro oo lagu eedeeyay in ay ka Tirsanaayeen Al-shabaab-kii weeraray xeebaha deeganada Puntland bishii Maarso.
Xeer ilaaliyaha maxkamada Cabdullaahi Xirsi Cilmi Cali oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in raggaan la xukumay inay ku cadaatay oo ay qirteen inay duulaan kusoo qaadeen Puntland iyo shacabkeeda islamarkaana ay ka dambeeyeen dilka 24 askari iyo dhaawaca 72 kale, oo dhamaatooda ahaa Ciidamada Puntland
Xeer ilaaliyaha maxkamada ayaa sidoo kale sheegay inay maxkamada reebtay labo maxbuus oo da’ahaan looga reebay xukunkaan, iyadoo markii hore ay tiradu ahayd 45 maxbuus ah oo maxkamada lasoo taagay.
Ciiidamo ka Tirsan al-shabaab ayaa bishii Maarso weerar ku qaaday Gobolada Karkaar, Nugaal iyo Mudug, Maamulka puntland ayaa sheegay in dagaalka lagu qabtay ilaa dhowr maxaabis.

