Guri ku soo Dumay Deegaanka Gendershe ee Shabeelaha Hoose

0

Wararka ka imaanaya  deegaanka Gendershe oo ka tirsan Gobolka Shabellaha hoose, ayaa sheegaya in hal ruux uu geeriyooday shan ruux oo kalena  ay ku dhaawacmeen, kadib markii Guri dadkaasi ay ku jireen uu ku soo dumay.

Deegaanka Gendershe oo ka tirsan Gobolka Shabellaha hoose waxaa xalay ilaa saakay ka da’ayay roobab mahiigaan ah oo geystay qasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh.

Hooyadii guriga ayaa ku geeriyootay guriga soo dumay, halka Shanta ruux ee kale ay ku jiraan caruur yar yar.

Dhaawacyada Caruurta ayaa waxaa loo soo qaaday  Gudaha Magaalada Muqdisho oo lagu daaweynayaa.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here