Dowlada Eritrea ayaa sheegay in ciidankeeda ay dileen ku dhawaad 200-askari oo Ethopian ah kadib markii ay dagaal xoogan kula galeen soohdinta kala qaybisa labada dal maalintii axada aheyd.
Hadal ay soo saartay wasaaradda warfaafinta ee Eritrea ayaa lagu sheegay in saddex boqol oo kale oo ciidanka Ethiopiyaan ah in la dhaawacay, iyaga oo ku tilmaamay in labada qiyaasba ay yihiin tirada ugu yar.
Madaxda Dowladaha Eritrea iyo Ethopia oo dagaalka ka hadlay ayaa isku eedeynayay inay dagaalka ka bilaabeen gobolka Tsorona oo ilaa 100km koonfur ka xiga magaalada caasimadda ee Asmara.
Dowladaha Eritrea iyo Ethopia ayaa isku haysta Gobolka Tsorona oo Qaramada Midoobe u sharciyeesay Dowlada Eritrea taasi oo si weyn ugu xumaatay Dowlada Ethopia.

