Ciidamada Amaanka Dowlada ayaa xalay ilaa saaka waxa ay Howlgal balaaran ay ka Sameeyen inta u dhexeysa Degmada Afgooye iyo Lambar -50 oo kawada tirsan Gobalka Shabeelaha Hoose.
Saraakiisha Ciidamada Amaanka Dowlada Soomaaliya ayaa sheegay in Howlgalka uu yahay mid lugu xaqiijinayo Amaanka Guud deegaanada ku Xeeran Magaalada Caasimada ah Muqdisho kaasi oo la tilmaamey in lugu soo qab-qabtay dad kala Duwan oo looga Shakisan yahay Inay Amniga lidi ku yihiin sida ay inoo Xaqiijiyeen qaarka mid ah Saraakiisha Ciidamada Amaanka Soomaaliya.
Ciidamada Dowlada oo laga Dareemayay Foojignaan Dheeraada ah ayaa waxa ay baaritaan Xoogan ku samaynayeen dadka, gaadiidka soo galaya iyo kuwa ka baxaya Magaalada Muqdisho ayagoona su’aalo ka weydiinayey dadka halka ay ku Wajahan Yihiin iyo halka ay ka yimaadeen.
Idacaada Simba ee Magaalada Muqdisho mar ay ujeedka Guud ee Howlgalkaan ay wax ka weydiisay Saraakisha Hogaaminayey Ciidamada Xalay Howlgalka ka Fuliyey Degmada Afgooye iyo Lambar-50 ayaa waxa ay sheegeen in lugu Sugayo Amaanka inta lugu guda jiro Bisha Barakeysan ee Ramadaan.
Howlgalka ayaa Waxa uu imaanayaa iyadoo maalmihii danbe ay sii kordhayeen weerarada Al-shabaab ay ku qaadayaan Ciidamada Dowlada iyo Kuwa AMISOM xiliyada ay ka Gooshayaan Magaalada Muqdisho iyo Gobalka Shabeelaha Hoose gaar ahaan Degmada Afgooye.

