Laamaha Amaanka Kenya oo Xabsiga Dhigay Nin Shabaab ah oo kusoo Wajahnaa Gudaha  Soomaaliya

0

Ciidamada Amaanka dalka Kenya ayaa xabsiga dhigay Maalintii axada aheyd nin lagu tuhunsan yahay inuu ka tirsan yahay  Al-Shabaab oo kusoo jeeday dalka Soomaaliya laguna magacaabo Javan Morton Murai oo sidoo kale loo yaqaan Jamal.

Mas’uuliyiin ka Tirsan Laamaha amaanka dalka Kenya oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ninkaan lagu qabtay gobolka Marsabit isagoo ujeedkiisa ahaa sidii usoo gaari lahaa Gudaha Soomaliya sida ay sheegeen Mas’uuliyiinta Amaanka dalka Kenya.

Javan Morton Murai oo sidoo kale loo yaqaan Jamal ayaa da’diisa lagu sheegay 27-jir isagoo sidoo kale ahaa arday wax ka barta jaamacadda Kabarak University  ee dalka Kenya.

Wargayska Daily Nation ee dalka Kenya ayaa baahiyay in ninka la qabtay uu watay waxyaabaha qaraxyada laga sameeyo islamarkaana uu kusoo jeeday Gudaha Soomaliya.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here