Duqa degmada Buulo-barde ee Gobolka Hiiraan Cismaan Geedi Cilmi oo wareysi siiyay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka ku aadan In xilkii laga qaaday.
Mudane Cismaan Geedi Cilmi Duqa degmada Buulo-barde ayaa tilmaamay in aan lagu soo wargalinin wararka ku aadan in xilkii laga qaaday islamarkaana uu haatan wato howlihiisa shaqada uu u hayay Maamulka Gobolka Hiiraan.
Warar ay warbaahinta heshay ayaa sheegaya in wafdi uu Hogaaminayo Axmed Cismaan Cabdalla inji Gudoomiye ku xigenka Gobolka Hiiraan in ay gaareen degmada Buulo-barde islamarkaana ay maamulka ku wargaliyeen in laga diray kadib warqad kasoo baxay Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar.

