Madaxweyne Axmed Madoobe oo Maanta Furey Kalfadhiga 2-aad ee Baarlamanka Juba-land+Sawirro

0

Madaxweynaha Maamulka Juba-land Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa maanta furey kalfadhiga labaad ee Mudanayaasha Baarlamanka Maamulka Juba-land oo maanta ka Furmay Magaalada Kismaayo.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (axmed Madoobe) oo Kalfadhiga 2-aad ee Mudanayaasha Baarlamanka Juba-land qudbad ka jeediyay ayaa ka hadlay xaalada amniga iyo hormarka uu gaaray Maamulka Juba-land  intuuu dhisnaa.

Dhanka kale Madaxweynaha Maamulka Juba-land axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa maanta cafis u fidiyay  13-maaxaabis oo ku eedeysanaa kamid ahaanshaha xarakada al-shabaab oo ku xirnaa xabsiyada Magaalada Kismaayo.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in Sababta loo Cafiyay ay tahay Bisha Barakeysan ee Ramadaan awgeed, iyadoo sidoo kale la amray in Afar ka mid ah dadkaasi laga masaafuriyo Magaalada Kismaayo.

IMG_3252-1024x683 IMG_3254-1024x683 IMG_3255-1024x683 IMG_3256-1024x683 IMG_3257-1024x683 IMG_3258-1024x683 IMG_3259-1024x683 IMG_3260-1024x683 IMG_3261-1024x683 IMG_3264-1024x683 IMG_3269-1024x683 IMG_3272-1024x683 IMG_3273-1024x683

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here