Mid kamid ahaa Xildhibaanadii kmg-ga ee Dowladihii dalka Soo maray oo lagu Magacaabo Xuseen Max’ed “Gaagaale” ayaa sheegay in uu ka badbaaday isku day dil oo la doonayay in isaga lagu qaarijiyo.
Mudane Xuseen Max’ed Gaa-gaale oo wareysi siiyay Idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in xalay Ciidamo Ka Tirsan Booliska Dowlada Soomaliya ay ugu geysteen Magaalada Muqdisho jirdil Xoogan xili uu sheegay in ay wada Afurayeen isaga iyo Xildhibaano hore oo Baarlamankii Soomaliya ka Tirsanaa.
“Guri oo deganaa Xildhibaan Xabiib oo ka Tirsanaa Baarlamaankii dalka Soomaliya soo maray anagoo ku afureyno waxaa soo gaaray Ciidamo ka Tirsan kuwa Booliska Soomaliya oo ka amar qaata Taliye ku-xigeenka Booliska Gobolka Banaadir waxay nagu amreen in aan kala tagno, waxaan weydiiyay cida ay ka amar qaataan balse nooma sheegin ayuu yiri Xuseen Max’ed Gaagaale”.
Dhanka kale Mudane Xuseen Max’ed Gaagaale waxa uu Tilmaamay in arintaan ay wax ka ogyihiin Mas’uuliyiin ka Tirsan dowlada Soomaliya islamarkaana baaritaano lagu sameyn doono shaqsiyaadkii soo abaabulay arintaan.

