Dowlada Mareykanka ayaa si kulul u Cambaareysay dilkii Magaalada Muqdisho loogu geystay shantii bishan Wariye Sagal Salaad Cusmaan oo ka tirsaneyd shaqaalaha Warbaahinta Qaranka.
“ Dowladda Mareykanka waxaa ay tacsi u direysaa qoyska, saxiibada iyo dadkii ay la shaqeyn jirtay Sagal, islamarkaana waxaa suxufiyiinta Soomaaliyeed ku boorinaynaa in ay sii wadaan halgenka ay ugu jiraan ilaalinta xoriyada hadalka ayaga ka wakiil ah shacabka Soomaaliyeed ayaa lagu yiri warka kasoo Baxay Dowlada Marekanka.
Warka kasoo baxay Dowlada Mareykanka ayaa sidoo kale loogu codsaday dowlada Soomaliya in ay sharciga horkeento kuwii ka dambeeyay dilkii Wariye Sagal Salaad Cusmaan oo ka tirsaneyd shaqaalaha Warbaahinta Qaranka.
Ilaa Hada Dowlada Soomaliya ma jirto cid ay usoo qabatay dilka Wariye Sagal Salaad Cusmaan oo ka tirsaneyd shaqaalaha Warbaahinta Qaranka.

