Maalinta Jimcada oo Tariikhda ay ku beegan tahay 10/6/2016 waxaa aas qaran loo sameyn doonaa Maxamed Cali Kalaay oo ahaa feeryahankii hore ee dalka Mareykanka oo dhawaan geeriyooday.
Madax kala duwan oo ka imaan doonta Caalamka ayaa ka qeyb galaysa aaska loo sameyn doono Maxamed Cali Kalaay waxaana kamid ah Madaxweynaha dalka Turkiga Reccep Tayyip Erdogan, Boqorka Jordan Boqor Cabdallah, Madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka Bill Clinton iyo Mas’uuliyiin kale.
Afhayeen u hadlay Qoyska Ala ha u Naxariistee Maxamed Cali Kalaay ayaa sheegay in masuuliyiin kala duwan ay ka soo qaybgeli doonaan Aaska, waxaana lagu qabanayaa Munaasada Aaska Magaalada Louisville ee Gobolka Kentucky.
Maalinta Khamiista ayaa Salaada Janaasada lagu dukan doonaa Marxuumka, iyadoo Maalinta Jimcahana la qaban doono Munaasabada weyn ee aaska, Waxaa la diyaariyay Garoon Kubadda Cagta lagu ciyaaro oo la dhigay 22 kun oo Kuraas ah, si ay ugu fariistaan dadka ka soo qaybgalaya Aaska Marxuumka.
Maxamed Cali Kalaay ayaa dhawaan u geeriyooday Cudurka Laleelmada

