Deeganada Maamulka Ahlusuna uu ka Arimiyo oo aan Maanta Laga Soomin+Dhageyso

0

Deeganada uu ka arimiyo Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusuna Wajameeca ayaa loogu dhawaaqay in ay tahay maanta maalinta 30-aad ee bisha Shacbaan islamaarkana aysan maanta aheyn maalinta koowaad ee bisha Ramadaan.

Sayid Cumar Macalim Maxamed ibraahin Gudoomiyaha Arrimaha Bulshada Maamulka Gobolka Dhexe ee Ahlusuna oo Wareysi siiyay idaacada simba ee magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay sababaha maanta looga soomi waayay deeganada uu ka arimiyo maamulka Ahlusuna waljameeca ee Gobolka Dhexe.

Gudoomiyaha Arrimaha Bulshada Maamulka Gobolka Dhexe ee Ahlusuna ayaa tilmaamay in aysan arkin bisha islamarkaana aysan jirin sabab keenaysa in laga soomo deeganada uu ka arrimiyo Maamulka Ahlusuna.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here