Hogaamiyaha Xisbiga Cord ee dalka Kenya Raila Odinga ayaa ka hadlay Go’aanka ay Dowlada Kenya kusoo celinayso Qaxootiga Soomaliyeed ee Mudda badan ku noolaa Gudaha Dalka Kenya kadib Colaadihii iyo dagaaladii Sokeeye ee Soomaliya ka dhacay.
Raila, ayaa sheegay in dowladda looga baahan yahay in marka hore ay damaanad qaaddo ammaanka qaxootiga ka hor inta aan lagu celin wadankooda,Waxa uu tilmaamay hadii askar badan oo Kenyan ah lagu laayay gudaha dalka Somaliya, taasi macnaheeda inaysan aheyn in Qaxootiga la raro oo Somaliya lagu celiyo.
Sidoo kale Hogaamiyaha Xisbiga Cord ee dalka Kenya mudane Raila Odinga ayaa ugu baaqay madaxda Kenya in ay ka laabtaan Go’aanka ku aadan In dib loo celiyo Qaxootiga Soomaliyeed ee ku jira Xerada Dhadhaab ee Gobolka Woqooyi Bari ee dalka Kenya.
Dowlada Kenya ayaa marar badan ku celcelisay in ay dib u celin doonto Qaxootiga Soomaliyeed ee ku nool Xerada Dhadhaab ee Gobolka Woqooyi Bari ee dalka kenya, Kadib markii ay sheegtay in Xerada ay tahay Saldhig ay Al-shabaab weerarada kasoo Abaabulaan.

