Dowlada Kenya oo ka Hadashay Weerar Lagu qaaday Ciidamo Kenyaan ah

0

Dawlada Kenya ayaa sheegtay in Rag hubaysan oo lagu tuhunsanyahay in ay ka tirsanyihiin Xarakada Al-shabaab ay weerar gaadmo ah ku qaadeen laba gaari oo ay saarnaayeen Ciidamo Boolis Kenyaati ah kuwaas oo ka Ambabaxay Magaalada Mandera kuna sii jeeday deegaan lagu magacaabo Arabia.

Ragaan weerarka geystay ayaa waxa ay qaraxyo nuuca miinada ah ay horay ugu sii aaseen  meel u dhow deegaanka Mansa, oo qiyaastii 3 km u jira Deegaanka Arabia.

Bishar Issack, oo kamid ahaa Ciidamada laweeraray ayaa sheegay in rasaas ay ku fureen Rag Shabaab ka tirsan oo lugeynayay ,meel u dhow xuduuda,waxaana uu tilmaamay in rasaasta dhexmartay ayaga iyo shabaabka ay socotay muddo 30 daqiiqo ah islmarkaana seddex Askari ay goobtaas kaga dhaawacmeen.

Isaack ayaa hadalkiisa ku daray in askartii ka dhaawacantay loo qaaday isbitaal ku yaala magaalda Lafey halka gaari ku wax yeeloobay dagaalka la geeyay degaanka Fino.

Dawlada Kenya ma aysan sheegin wax yeelo soo gaartay ciidamadii shabaabka ee weerarka soo qaaday.

Al-shabaab ayaa sheegtay weerarka lagu qaaday Askarra Kenya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here