Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaliya Mudane C/salaam Hadliye Cumar oo wareysi siiyay BBC-da Laanteeda Afka Soomaliga ayaa sheegay in dowladaha Kenya iyo Soomaliya ay kawada hadli doonaan qaabka ugu macquulsan ee lagu soo celin karo Qaxootiga Soomaliyeed ee ku nool Gudaha dalka Kenya.
Wasiir C/salaam Hadliye Cumar ayaa tilmaamay in ay jiri doonaan kulamo ay yeelan doonaan Labada Dowladood ee Kenya iyo Soomaliya kulmadaasna looga hadli doono sida loo wajhaayo soo celinta Qaxootiga Soomaliyeed ee mudda badan ku noolaa Gudaha dalka Kenya.
Dowlad Kenya ayaa marar badan ku celcelisay in ay dib u celin doonto Qaxootiga ku jira xeryaha ku yaala Gobolka Woqooyi Bari ee dalka Kenya kadib markii ay sheegtay in yihiin Saldhigyo ay Al-shabaab kasoo Abaabulaan Weerarada ka dhaca Gudaha Dalka Kenya.

