Wafdi uu Hogaaminaayo Madaxweynaha dalka Turky-ga Recep Tayyip Erdogan ayaa saakay kusoo wajahan Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya.
Amaanka Magaalada ayaa aad loo adkeeyay waxaa saakay xiran qaar kamid ah wadooyinka muhiinka ah ee Magaalada Muqdisho kuwaasi oo lagu arkaayo Ciidamada kala duwan ee dowlada Somaliya iyo kuwa Amisom.
Madaxweynaha turkey-ga markuu yimaado Magaalada Muqdisho waxa uu kulamo la qaadan doonaan Mas’uuliyiin ka Tirsan kuwa Dowlada soomaliya sida Madaxweynaha Soomaliya Xasan Shiikh Maxamuud isagoo sidoo kale xariga ka jari doono safaarada Turky-ga ee Muqdisho laga dhisay.

