Howlgal ay galinkii dambe ee galabta Ciidamada Hay’ada Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaliya ay ka sameeyeen Deegaanka Ceelasha Biyaha, ee duleedka Muqdisho ayaa lagu soo qabtay Rag loo haysto in ay ka tirsan yihiin Shabaab iyo hubka noocyadiisa kala duwan.
Hubka la soo bandhigay, ay gacanta kusoo dhigeen Ciidamada Nabad sugida ayaa ka koobnaa afar qori oo AK47 ah, bistoolado gaaraya afar xabo, rasaasta qoryaha RBG iyo hoobiyaha iyo agabyo loo adeegsado walxaha qarxa.
Mudane C/fitaax Cumar Xalane, Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir oo Saxaafadda kula hadlay Xarunta Godka Jilicow ee degmada Boondheere oo lagu soo bandhigay raggan iyo hubkaba, ayaa sheegay in ay qorshaynayeen weeraro ka dhan ah Magaalada Muqdisho.











