Madaxweynihii Hore ee Dalka Chad Hissene Habre oo Xukun Xabsi Daa’in Lagu Xukumay+Sawirro

0

Madaxweynihii Hore ee dalka Chad Hissene Habre ayaa lagu Xukumay Xukun Xabsi daa’In kadib markii lagu helay dambiyo la Xiriira bini’aadanimo.

Maxkamad gaar ah oo ku taala dalka Senegal, isla-markaana uu taageero Ururka Midowga Afrika, ayaa xukunkan ku riday Madaxweynihii hore ee dalkaasi Chad.

Maxkamadda, ayaa hogaamiyahaani hore ku heshay dembiyo ay ka mid yihiin dembi dagaal, jirdil iyo tacadiyo ka dhan ah aadanaha, inkastoo xukunkan uu rafcaan kaga qaadan karo muddo 15 cisho ah.

Dadka dhibanayaasha ah, ayaa in ka badan 20 sano u ololeynaayay, sidii cadaaladda lagu horkeeni lahaa Hissene Habre Madaxweynihii Hore ee dalka Chad oo xukunka dalkaas hayay intii u dhaxeysay 1982-kii iyo 1990-kii.

1464624670b18c7 1464624671b1537 14646246722b16d 1464624672692b7 1464624675671bc

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here