45-Dagaalyahan oo Ka Tirsan Xarakada Al-shabaab oo Galay Gudaha kenya

0

Laamaha Amaanka dalka Kenya ayaa sheegay in Gudaha Kenya ay soo galeen 45-dagaalyahan oo ka Tirsan Xarakada Al-shabaab.

War kasoo baxay Hay’adaha  Amniga Kenya ayaa lagu sheegay in seqdii dhexe ee xalay  ciidamo ka Tirsan Xarakada Al-shabaab  ay kasoo Gudbeen xaduudka u dhaxeeya Soomaliya iyo Kenya kuwaasi oo isku qeybiyay kooxo Kooxo.

Hal koox waxa ay ka koobneed 13-dagaalyahan waxayna kasoo galeen Kenya deegaanka Gerille, kooxda kale waxa ay kasoo gashay Konton, halka kooxda sedexaad ay kasoo gashay deegaanka Gumarey ee Bariga wajir ayaa lagu sheegay war kasoo baxay Laamaha Amniga Kenya.

Warka kasoo baxay Laamaha Amniga Kenya ayaa Sidoo kale  lagu sheegay In feejignaan dheeri ah ay galaan Ciidamada difaaca Kenya si loogu baaqsado weeraro ay Gudaha Kenya ay ka geystaan  Xarakada Al-shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here