Tartanka Ciyaaraha Olympikada Aduunka ayaa Lagu Wadaa in Dib Loo Dhigo Vayruska Ziika Awgiis.

0

Quburo  iyo Dhaqaatiir Caafimaad ayaa ku Taliyay in dib loo dhigo Tartanka Ciyaaraha Olympikada ee dalka Brazil lagu wado in lagu qabto, Xeel dheerayaashaan ayaa muujiyay walaaca laga qabo cudurka Zika oo faafaya.

Quburadaan ayaa Sidoo kale waxa ay ku baaqeen isla markaana talo ahaan ay usoo jeediyeen in ciyaaraha in mudo ah dib loo dhigo si Cudurkaan oo ah mid halis ah loo xakameeyo.

Waxaa kaloo loo soo jeediyay Guddiga Ciyaaraha Olmpikada in magaalada hadda la qorshaynayo in tartanka lagu qabto ee Rio De Jinerio tartanka laga weeciyo oo magaalo kale lageeyo.

Balse Guddiga Ciyaaraha Olympikada ayaa dhegaha ka furaystay baaqyadaas oo dhan waxaana ay sheegeen in tartanku sidii loogu talagalay u qabsoomi doono.

Vayruska Ziika ayaa ku faafay meelo badan oo ka mid ah dalka Brazil waana cudur inta badan ku dhaca Caruurta iyo Haweenka uurka leh.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here