Raisulwasaaraha Soomaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmarke ayaa Maanta ka baaqday safar uu ku tagi lahaa Magaalada Dhuuso Mareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud.
Maamulka Ahlu Sunna waljameeca ayaa ku sababeeyay sababta baaqashada Wafdiga Raisul Wasaaraha inay tahay mid dhanka Raisul Wasaaraha ka timid kadib markii uu sheegay Raisul Wasaaraha inuu howlo kale ku mashquulay.
Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Ahlu Sunna ee Gobolada Dhexe C/laahi Diirshe Daacad ayaa tilmaamay in dhankooda Diyaar ay u ahaayeen imaanshaha iyo soo dhaweynta Wafdiga Raisul Wasaaraha Soomaliya.

