Tan iyo bur-burkii dowladii Dhexe ee dalka kulamada looga arinsanayo Soomaaliya waxaa goob joog ka ahaa xubno loogu yeeray in ee yihiin Beesha Caalamka.
Xubnahaani waxa ay dood iyo aragtiba ka dhiibanayeen kulamada loogu yeero iyadoona mas’uuliyiinta soomaalidu u jeedkoodu yeeritaanka ah uu yahay in ay marqaati ka ahaadaan Waxyaabaha lagu heshiinayo.
Hayeeshee waxaa mudooyinkaani isbadal ku yimid muhiimadii Xubnaha soomaalidu ay shirarku ugu yeeri jireen Bulshada Caalamka oo waxa ay iminkaba bilaabeen in ay cazuumaad la’aan ay ka qeyb galaan shirarka.
Mas’uuliyiinta soomaalidu marka ay hadlayaan waxa ay qudbadahoodu kusoo daraan in Beesha caalamku ay marqaati ka tahay heshiiskii markaasi la gaarayo.
Waa kan waziirka dastuurka Soomaaliya oo qodob kamid ah kuwii dowlada iyo maamulka Puntland ay ku heshiiyeen ku sheegay in Beesha caalamku ay marqaati ka noqoneyso qodobada heshiiskaasi.
Dadka rog roga siyaasadda ayaa arintaani ku sheegay in ay sabab u tahay in madaxda dalka aysan jirin kalsooni ama is aaminaad dhexdooda ah sidaa awgeedna Beesha Caalamka marqaati laga dhiganayo sida aad ka wada dhadhan san kartaan madaxweynaha Puntland C/wali Max’ed Cali Gaas.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh.Maxamuud ayaa dhankiisa sheegay in imaatinka dalka ee mas’uuliyiinta QM uu muujinayo in Caalamka uu usoo jeestay isla markaana uu ku qancay xaaladda amaan ee Muqdisho.
Hogaamiyaha Jubbaland ayaa shaaciyey in Waxyaabaha dalka ka dhacayo la xalin karo hadii dowladda federaalka, dowlada goboleedyada dalka ka jira iyo Beesha caalamku ay iskaashadaan.
Arintaani ayaa u muuqato faanoole fara kama qodna oo micnahoodu yahay in mas’uuliyiintiisa sar sare ee dalka in ay kasii talaabtay misane ay u gudubtay Odoyaasha Dhaqanka, dhalinyarada, siyaasiyiinta iyo Xubnaha Bulshada rayidka ah matala.
Madaxweynaha maamulka koofur galbeed Shariif Xasan Sh.Aadan ayaa waqti uu Booqday dad ku dhaawacmay weerar ka dhacay Magaalada Baydhabo ka hor sheegay in ay la tacaalista xaaladooda ay kala kaashanayaan Beesha Caalamka.
Marqaatiga Beesha caalamka maxaa muhiim ka dhigay! Dabcan waa su’aalo mudan in la is weydiiyo maadaama soomaalidu ay muhiim ka dhigteen marqaatiga Beesha Caalamka.
Dhanka Beesha Caalamka ayaanan si kal iyo laab ah u taageerin Soomaaliya inkastoo ay jiraan kaalmooyin aanan sidaa u badneen ay gestaan amaba ay bixiyaan.
Gunaanadkii Marqaatiga Beesha caalamka maxaa muhiim ka dhigay! Waa su’aal soomaalida u furan.

