Madaxweyne Uhuru Kenyatta :- Qaxootiga Waa in ay Dib ugu Laabtaan Dalkooda  

0

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata ayaa mar kale ku celiyay in Kenya ay ka go’an tahay dib u celinta Qaxootiga mudada badan ku nolaa Xerada Dhadhaab ee Gobolka Woqooyi Bari ee dalka Kenya.

Uhuru Kenyatta oo qudbad Dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay Jaamacada Magaalada Gaarisa ee Gobolka Woqooyi Bari Kenya ayaa sheegay in Kenya ay muddo badan u Sabreysay Qaxootiga Soomaliyeed balse xiligaan la joogo waqtigii dib loogu celin lahaa dalkooda.

“Hadii ay ahaan lahaayeen dadka kenyaan-ka dad xun dalkooda idinkuma Casuumi laheyn wali waan idin garab taaganahay waxaa tihiin dariskeena iyo Saaxibadeena waxaa naga dhaxeeya ganacsi soo jireen ah dad badan oo soomaliya kenyaan ah ayaa halkaan ku nool laakin qof walba waa in uu dalkiisa ku laabtaa ayuu yiri”. Madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Madaxweyne Uhuru Kenyaata aaya ugu baaqay Madaxda Gobolka Woqooyi Bari Kenya in ay ka qeyb qaataan dib u celinta Qaxootiga Soomaliyeed oo dhawaan dalkooda dib loogu celin doono.

Dowlada Kenya ayaa dhawaan shaacisay in ay ka go’an tahay dib u celinta Qaxootiga kadib markii ay sheegtay in amaanka xumida ka jirta Kenya ay qeyb ka yihiin qaxootiga ku jira Xerada Dhadhaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here