Baarlamanka Soomaliya oo Maanta ka Doodaya Heshiiska ku aadan Doorashada Dadban

0

Xildhibaanada Baarlamnka Soomaliya ayaa Maanta kulan ku leh xarunta Golaha shacabka ee Magaalada muqdisho.

Kulanka maanta ayaa loogu doodi doonaa Heshiiska ku aadan Doorashada dadban ee sanadkaan ka dhaceysa Somaliya.

Xubnaha Baarlamaanka Somaliya ayaa Khamiistii aynu soo dhaafnay loo qaybiyay Heshiiskii madasha Wadatashiga Qaran ee Guddigii Xildhibaanada ahaa wax ka bedelka ay ku sameeyeen.

Maxamed Cumar Maxamuud oo ah Habdhowraha Baarlamanka soomaliya ayaa idaacada simba u sheegay ajendaha kulanka maanta

“Maanta oo Sabti ah taariiqdana tahay 21 Bisha waxaa jira Kulanka Baarlamaanka, Ajandihiisa uu yahay ka doodista Sharciga Doorashooyinka Dadban ee sanadkaan dalka ka dhacaya, Xildhibaanada ayaa guda galaya dooda arintaasi la xiriirta.” Ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cumar.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here