War Deg Deg:- Dagaal Beeleed ka Bilowday Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan

0

Wararka Naga soo gaaraya Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa ku waramaya in Duhurnimadii maanta uu Magaaladas ka bilowday dagaal u dhaxeeya Labo maleeshiyo beeleed.

Dagaalka ayaa bilowday kadib markii kooxo hubeysan ay labo Ruux ku toogteen Gudaha Xaafada howlwadaag ee Magaalada Baledweyn waxaana uu dagaalka haatan ka socdaa Gudaha xaafadakaasi.

Magaalada Beledweyne waxaa kusoo lab-laabtay dagaalka u dhaxeeya maleeshiyo beeleed walina ma jirto mas’uul kamid ah Maamulka Magaalada Beledweyne oo arintaan ka hadlay.

Wixii kusoo kordha kala soco simbanews.com

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here