War kooban oo laga soo saaray Xafiiska Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga UNHCR, ayaa lagu sheegay in markii dowladaha Kenya, Soomaliya iyo UNHCR ay heshiis ku gaareen dib u celinta qaxootiga, in soomaliya dib loogu soo celiyay 7,703, qof oo laga soo qaaday xerada Dhadhaab ee Gobolka Woqooyi bari.
“Tan iyo markii la bilaabay Barnaamijka dib u celinta Qaxootiga bishii December 2014-kii 63-qof ayaa safar dhanka dhulka ah dib ugu laabtay dalkooda, 75-diyaarad ayaa dib loogu celiyay magaalooyinkii ay ka yimaadeen (67-qof waxaa la geeyay Magaalada Muqdisho ee Caasimada soomaliya, 4-qofna Magaalada Kismaayo afar-na waxaa la geeyay Magaalada Baydhabo ayaa lagu yiri war kasoo baxay UNHCR,
Xerada Dhadhaab ee Gobolka Woqooyi bari, ayaa ah xerada ugu weyn ay ku jiraan Qaxootiga ugu badan ee Caalamka waxaa u badan soomaali ka carartay dhibaatooyinkii ka dhacay dalka kadib markii ay dhacday Dowladii Dhexe ee Soomaliya.
Warka kasoo baxay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga UNHCR, ayaa kusoo beegmaya xili dhawaan dowlada Kenya ay sheegtay in ay xiro doonto xerada Dhadhaab ay sheegtay in ay tahay xero laga soo abaabulo weerada ka dhaca dalkeeda.

