Ciidamo ka Tirsan kuwa Xarakada Al-shabaab ayaa Habeenkii Xalay ahaa Weerar xoogan ku qaaday Deegaanka Halgan oo ay ku sugan yihiin Ciidamo ka Tirsan Ethopia ee qeybta ka ah Howlgalka Amisom.
Weerarka ayaa la sheegay in uu ku bilowday si Qaraxyo ah, waxaa xigay dagaal toos ah oo dhaxmaray Ciidamada Al-shabaab iyo kuwa Ethopia oo mudooyinkii dambe ku sugnaa deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan.
Dhanka kale Maamulka Deegaanka Halgan oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Weerarka ay soo qaadeen Al-shabaab balse ay iska caabiyeen dhankooda.
Gudoomiyaha Deegaanka Halgan Guhaad Cabdi Warsame ayaa dhanka kale beeniyay in hoobiyaal ay tureen Ciidamada Ethopia in ay waxyeelo kasoo gaartay dad shacab ah oo ku noolaa deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan.

