Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in ciidamada dowlada Soomliya iyo kuwa Amisom oo saakay la wareegay degmada aadan Yabaal In ay galabta galinkii dambe isaga baxeen degmada.
Ciidamada dowlada Soomaliya iyo kuwa AMISOM, ayaa gelinkii dambe ee maanta dib uga gurtay Degmadaasi, waxaana la soo sheegayaa inay iminka gaareen deegaanka Madaax oo 7km u jirta Degmada Aadan Yabaal.
Ma jiro ciidamo caawa ku sugan degmada aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe shabaab oo ka baxay xalay saqdii dhexe ayaan haatan dib ugu soo laaban degmada.
Ujeedada ugu wayn ee labada ciidan uga baxeen Degmada Aadan Yabaal, ayaa waxaa lagu sheegay, iyadoo ay Degmadaasi tahay mid biyo la’aan ah, ka dib markii ay Shabaabku xalay gubeen laba ceel biyood oo Degmada ku yaalay.
Dhanka kale Al Shabaab oo maanta lagala wareegay gacan ku haynta Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabellaha Dhexe, ayaa waxay afar nin oo odoyaal ahaa barqanimadii maanta ku toogteen duleedka Degmadaasi.

