Midowga Afrika oo Waqtiga u Kordhiyay Howgalka AMISOM ee Soomaaliya

0

Ururka Midowga Africa ayaa waqti kordhin u sameeyay Howgalka Ciidamada AMISOM ay ka wadaan Gudaha Soomaliya, iyadooona loogu daray mudo hal sano oo dheeri ah.

Kulan ay isugu yimaadeen Guddiga Ammaanka iyo Nabad-gelyaha Ururka Midowga Afrika oo ka dhacay magaalada Addis Ababa ee Xarunta dalka Itoobiya ayaa lagu go’aamiyay in muddo hal sano ah loogu daro Howlgalka Amisom ee ka socda Gudaha Soomaliya.

Soomaliya waxaa haatan jooga Ciidamo ka socda Wadama Ethopia, Kenya, Uganda, iyo Brundi kuwaasoo la dagaalamaya Xarakada Al-shabaab oo wali ku sugan qaar kamid ah Gobolada dalka Soomaliya.

Dhanka kale Muddo kordhin loo sameeyay Howlgalka Ciidamada AMISOM ay ka wadaan Gudaha Soomaliya, ayaa kusoo beegmaya xili dhawaan Ururka Midowga Yurub uu ku dhawaaqy in la dhimay 20% dhaqaalihii la siin jirey Ciidamada Amisom.

Muddo Kordhintaan  loo sameeyay Howlgalka Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ay ka wadaan Gudaha Soomaliya, ayaa sidoo kusoo beegmaysa xili dhawaan soomaliya ay ka dhacysa Doorasho Madaxtinimo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here