Munaasabad uu xilka kula wareegayay Gudoomiyaha Cusub ee Maxkamada sare ee dalka ayaa maanta ka dhacday Xarunta Maxkamada Sare ee dalka ee Magaalada Muqdisho.
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cumar carte, guddoomiyihi hore ee maxkamadda sare, wasiiro, xildhibaanno, xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, saraakil ciidan iyo marti sharfaf kale ayaa ka qeyb galay Munaasada uu xilka kula wareegayay Gudoomiyaha Cusub ee Maxkamada sare ee dalka, Dr. Ibraahim Iidle Suleymaan.
Ugu horenyntii waxaa munaasabada ka hadlay Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Abuukaate Ceydiid Cabdulaahi (Ilka-Xanaf) wuxuu sheegay in garsoorka dalka uu u baahanyahay madax banaani, isla markaana xilka uu yahay mid meerto ah.
Dhanka kale Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa sheegay in dhibaatada dalka ka dhacday ay sabab u tahay cadaalad darro, loona baahanyahay in la horumariyo Arrimaha cadaaladda.
Ugu dambeyntii Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda sare ee dalka Dr. Ibraahim Iidle Suleymaan, oo munaasada ka hadlay ayaa sheegay in ay ku dadaali doonaan sidii bulshada soomaliyeed ay u heli lahaayeen garsoor Cadaalad.








