Maamulka Somali-land ayaa ku martiqaaay ka qeyb galka sanadguurada 18-may Siyaasiyiin soomaliyeed sida Madaxweynihii Hore ee Soomaliya Mudane Shiikh shariif Shiikh Axmed iyo C/raxmaan Sheikh Maxamed maxamuud Faroole Madaxweynihii Hore ee Maamulka Puntland.
Xubno ka tirsan Guddiga ictiraaf raadinta Maamulka Somaliland, ayaa la sheegay inay xukuumadda Soomali-land u soo bandhigeen aragtidan ku aadan in sanadguurada laga qeybgaliyo siyaasiyiintaan taas oo ay xukuumaduna Somali-land ka aqbashay.
Dhanka kale Mudane Sheekh Shariif shiikh axmed iyo C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole, ayaa la Tilmaamayaa in la siin doono wakhti ay jeediyaan khudbado inta lagu gudo jiro dabaal-degga maalinta qaranimada Maamulka Somaliland.
Arintaan ayaa noqonaysa markii ugu horeysay uu maamulka Soomali-land uu marti-qaad u fidiyo siyaasiyiin soomali ah.

