Wararka naga soo gaaraya Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal ayaa tilmaamaya in Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) dhaawiciisa wax loogu qaban waayay Magaalada Garoowe , isla markaana maanta loo qaaday dalka Jamhuuriyada Jabuuti.
Diyaarada la saaray wasiir Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) waxaa kaloo raacay Madaxwaynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Cali Gaas iyo Siyaasiga Puntland Cabdiraxmaan shiikh Maxamuud Faroole, oo lagu marti qaaday xaflada Caleemo saarka Madaxwaynaha marka 3-aad lasoo doortey ee Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.
Dhawaan ayay aheyd Markii wasiirka uu ku dhaawacmay Rasaas ay isweedaarsadeen Ciidamada Taliyaha Booliska iyo Taliyaha Ciidanka Birmadka Maamulka Puntland, taasi oo sababtay qasaaro dhimasho iyo dhaawac.

