Gudoomiyihii Al-shabaab ee Gobolka Shabeelaha Hoose  oo Xilka Laga Qaaday

0

Wareegto kasoo baxday Hogaanka Xarakada al-shabaab ayaa xilkii loogu qaaday Gudoomiyihii Gobolka Shabeelaha Hoose ee al-shabaab u qaabilsanaa Shiikh Maxamed Abu Cabdalla.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Gudoomiyihii Al-shabaab ee Gobolka shabeelaha Hoose abuu Cabdala  xilka la qaaday axadii aynu soo dhaafnay kadib markii uu maamulkiisa heshiis dhexdhigay labo maleeshiyo beeleed  oo dhawaan  ku dagaalamay Gobolka Shabeelaha Hoose.

Warar kale ayaa sheegaya in Beel ka mid ah labadii beelood inay ka dacwoodeen qaabka dhexdhaxaadinta uu u sameeyey Gudoomiyihii Gobolka Shabeelaha Hoose ee Al-shabaab Shiikh Maxamed Abu Cabdalla.

Maamulka Al-shabaab ee  Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa dhawaan sheegay in heshiis la dhexdhigay Labo maleeshiyo beeleed oo ku dagaalamay Gobolka Shabeelaha Hoose.

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here