Heshiis Laga Gaaray Colaadii Deegaanka Dac-dheer ee Gobolka Galgaduud

0

Magalada Jig-jiga ee xarunta is-maamulka Somalida Ethiopia waxaa maanta hishiis ku kala saxiixday madaxweynayaasha maamullada Galmudug iyo DDSI, kaasi oo lagu soo afmeerayay dagaallo dhawaan ka dhacay deegaanka Dac-dheer oo dhaca xadka labada maamul.

Goobta uu heshiiska ka dhacay  waxaa ku sugnaa  madaxwyenaha maamulka Jubbaland iyo mas’uuliyiin kale, waxayna labada dhinac ku hishiiyeen in lasoo afmeero dagaalkii dhacay islamarkaan guddi loo saaro ka shaqaynta nabad galyada xadka.

Ugu horeyntii Madaxweynaha Galmudug Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed, oo la hadlay laanta afka soomalida ee BBC-da, ayaa sheegay in wada-xaajoodkaasi ahaa mid taariikhi ah islamarkaana looga hadlayay xasiloonida gobolka.

Qodobada lagu heshiiyay waxaa sidoo kale kamid ahaa in labada dhinac ay ka shaqeeyaan nabada galyada xadka labada maamul madaama mudooyinkii dambe ay ku dagaalameen ciidamada Liyuu Boolis iyo dad shacab.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here