War kasoo baxay safaarada Kenya ee soomaliya ayaa lagu sheegay in safaaradu ay qorsheenayso in ay kordhiso qunsuliyadaha ay ku leedahay Somaliya, kuwaas oo ay gaarsiin doonto qeybaha kala duwan ee Gobolada dalka Somaliya.
Danjiraha Kenya u fadhiya Somaliya Lucas Tumbo ayaa sheegay in ay tallaabadaan gacan weyn ka geysan doonto hagaajinta nolosha dadka Kenyanka ah ee ku sugan Somaliya. Xili uu shir jaraaid ku qabtay Magaalada Muqdisho.
Lucas Tumbo waxa uu tilmaamay in bisha julay 1-eeda la bilaabi doono in qunsuliyadaha cusub laga furo magaalooyinka kala ah Kismayo, Hargeysa, Baydhabo iyo Garowe, waxaana ay magaalooyinkaasi yihiin kuwa hadda tix galinta 1-aad la siinayo.
“Qunsuliyadaha la furi doono waxa ay muwaadininiinta kenyaanka ah ay ka caawin doonaan in ay helaan waxyaabaha ay u baahan yihiin sida ugu dhaqsiyaha badan ayuu yiri Danjiraha Kenya u fadhiya Somaliya Lucas Tumbo.
Safaarada Kenya ee soomaliya ku leedahay waxa ay sidoo kale sheegtay Ilaa 20,000 oo qof oo Kenyan ah ay ku nool yihiin dalka Somalia, kuwaasoo 3,500 oo ka mid ah ay ka qabtaan shaqooyin rasmi ah.

