Al-Shabaab oo Sheegtay Mas’uuliyada Madaafiic Lagu Weeraray Xarunta Xalane

0

Kadib markii xalay tiro Madaafiic ah lagu garaacay xarunta Xalane ee fariisin u ah ciidamada midowga afrika ee amisom waxaa mas’uuliyada madaafiicdaas sheegtay xarakada al-shabaab.

Xarakada Al-Shabaab waxa ay sheegtay in madaafiicdaasi lala helay bartilmaameedkooda, waxayna sidoo kale  tilmaameen in khasaaraha ka dhashay madaafiiicdaas ay dib ka soo sheegi doonaan.

Afhayeenka Ciidamada AMISOM, Korneyl Joe Kibet, oo  u waramay warbaahinta ayaa sheegay in qasaaro uu jiro balse ay haatan ku howlan yihiin halka sida rasmiga ah looga   soo tuuray madaafiicdii xalay.

Xarunta Xalane oo ah Taliska ugu weyn ee ciidamada Amisom, sidoo kale waxaa jooga Saraakiil reer Galbeed ah oo ciidamada Amisom la shaqeeya iyo kuwa kale oo howlo kale dalka u jooga. Waana xarun aad u mashquul badan.

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here