Wararka ka imaanaya Gobolka Baay ayaa sheegaya in lix nin ay isku qarxiyeen deegaanka Raydable oo ku yaala inta u dhaxeysa Degmooyinka Baydhabo iyo Buurhakaba ee Gobolka Baay.
Ciidamada Nabad sugida maamulka Koonfur galbeed soomaliya ayaa helay sida la sheegay macluumaad ku saabsan in ay jiraan rag ka tirsan al-shabaab oo qaraxyo ku diyaarinaya guryo ku yaala deegaanka Raydable.
Ciidamada ayaa hareeyeeyay guriga waxayna ku amreen raga guriga ku jiray in ay isa soo dhiibaan balse taasi badalkeeda waxa ay doorbideen in ay isqarxiyeen sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan maamulka Kooonfur Galbeed soomaliya.
Saraakiisha Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya ayaa sidoo kale sheegay in raggaasi ay iska caabin ugala horyimaadeen Ciidanka maamulka Koonfur Galbeed soomaliya, markii ay rasaasta ka go’dayna ay is qarxiyeen.
Dhanka kale waxaa la xaqiijiyay in ciidamada Nabad sugida Koonfur Galbeed soomaliya ay gacanta ku dhigeen saddex nin oo kale oo qaraxyada la diyaarinayay lixdii is qarxisay.

