Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo la hadlay warbaahinta ayaa ka hadlay arima dhawr ah oo ku saabsan Xaaladda Waddanka Soomaaliya,Waxaa uu soo hadal qaaday arimah la xariira dhallinyaradii Soomaalida ee dhawaan ku dhintay badda Mediterrianka.
Xasan Sheekh waxaa uu sheegay in Dowladda uu madaxda ka yahay ay leedahay Masuuliyadda ugu badan ee dhibaatada dhallinta Soomaalida ah gaartay.
Shaqa la’aanta ka jirta Soomaaliya ayuu sheegay in ay ugu wacantahay dhallinta ka tahriibaysa Soomaaliya kuwaasi oo doonaya in nolol ka wanagsan midda Soomaaliya ku haysata ay ku helaan goobaha ay tagaan,sidaa oo ay tahay waxaa uu sheegay in wasaaradaha dowladda Shaqa laga helikaro balse sida muuqata ay meesha ka maqantahay qaabkii shaqa siinta dhallinta.
Madaxweynaha Soomaaliya xasan sheikh waxaa uu ku celiyey in dhallinta Soomaaliyeed wixii ku dhacay ka madaxweyne ahaan uu ka xunyahay loogana baahanyahay dhallinta in ay shaqo abuur ku dhax sameystaan gudah dalka Soomaaliya.
Dhanka kale Madaxweyne Xasan Hsekh waxaa uu ka hadlay arimaha doorashooyinka dalka isagoona sheegay in uu yahay Musharax u taagan in mar kale uu hoggaamiyo dowladda Soo socota ee sannadka dhammaadkiisa la dooranayo islamarkaan uu la imaanayo isbadal muuqda sida uu hadalka u yiri.

