Shir Loogu Hadlaayo kala Xadaynta Awoodaha Dowladda iyo Maamul Goboleedyada oo ka Socda Kismaayo

0

Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose wali waxaa ka socda Shirka loogu hadlaayo kala xadaynta awoodaha dowladda dhexe iyo maamul-goboleedyada dalka.

Shirka waxaa soo qaban-qaabisay wasaaradda arrimaha gudaha ee  Xukuumada Soomaaliya waxaa ka qeyb  galaya wasiirada arrimaha Gudaha dowlad Goboleedyada dalka ka jira iyo madax ka socota wasaarada arrimaha Gudaha ee Xukuumada Soomaliya.

Mas’uuliyiin ka tirsan wasaarada arrimaha Gudaha iyo kuwa maamul Goboleedyada oo hadalo ka jeediyay Furitaanka shirka ayaa sheegay in shirkaan uu muhiimad gaar ah u leeyahay wadashaqaynta dowladda dhexe ee soomaliya iyo maamul Goboleedyada.

Shirka oo socon doona saddex maalmood ayaa la filayaa in laga soo saaro qodobbo kala xadaynaya awoodaha dowladda dhexe iyo maamul-goboleedada.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here