Dowlada Kenya oo Sheegtay in ay Soo iibsanayso Diyaaradaha Drones-ka

0

War kasoo baxay dowlada Kenya ayaa lagu yiri in ay dowlada hada ay dooneyso soo iibsashada diyaaradaha aan cidi duulin ee droneska loo yaqaan.

Dowlada Kenya ayaa sheegtay in droneska ay kasoo iibsan doonto dalka mareykanka oo ah wadanka ugu badan ee soosaara diyaarahada droneska.

Waxaa saraakiisha Kenya ay sheegeen in diyaaradahaan droneska ay kula dagaalami doonaan Xarakada  Al-shabaab oo weeraro ka fuliya dalkeeda.

Lacag gaareysa $9.86 million oo dollar ayaa dowlada ay ugu talagashay soo iibinta droneska lagula dagaalamayo Al-shabaab.

Nuuca ay Kenya raadineyso ayaa lagu sheegay kuwa loo yaqaan unmanned aerial vehicle (UAV) oo caan ku ah magaca drones.

Waa markii ugu horeysay oo Kenya ay sheegtay in dagaalka ay kula jirto Al-shabaab ay u adeegsan doonto drones oo aan dalkaasi haysan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here