Daawo Video:- Hirar-ka Badda oo Saameeyay Dhaqdhaqaaqa Dekadda Magaalada Muqdisho.

0

Wararka haatan naga soo gaaraya Dekadda Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dhaq-dhaqaaqa Dekadda in ay Saameeyeen hirar waa weyn oo badda ay sameneyso.

Hirar-ka Biyaha Badda  ayaa sidoo kale galay Gudaha Dekadda Magaalada Muqdisho waxayna sidoo kale saameyn ay ku yeeshteen qeybo muhiin ah oo ku dhaxyaala gudaha Dekadda Magaalada Muqdisho.

Dhanka kale Labo Markab oo kusoo xirtay Dekadda Magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in ay isku dhaceen kadib markii xargaha ay u go’een sida dad ku sugan Dekadda ay u sheegeen Idaacada Simba.

Dad ku sugan xaafadaha ka ak dhow Dekadda Magaalada Muqdisho ayaa warbaahinta Simba u sheegay in ay arkayaan isbadalka ku yimid badda iyo qaabka ay u saameysay dhaq-dhaqaaqa Dekadda.

Sidoo kale meelaha Badda dhaq-dhaqaaqa ay ka sameyneyso ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka mid ah xaafadda la yiraahdo Iskool Bulisiyo ee Magaalada Muqdisho.

Daawo Dekeda Muqdisho oo biyaha bada soo galay

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here