Oscar oo ka Hadlay Macalinka Cusub ee Chelsea Antonio Conte.

0

Qadka dhexe ee kooxda Chelsea Oscar ayaa ka hadlay macalinka cusub ee kooxda Chelsea xili ciyaareedka cusub ee sanadka 2016/2017.

Xidiga heerka caalami ee xulka dalka Brazil oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xidig walba oo ka tirsan naadiga Chelsea uu sameenayo bandhig wanaagsan si uu boos wanaagsan kaga helo macalinka cusub ee Antonio Conte.

“Ani ahaan waxaan isku dayayaa in aan u ciyaaro sidii horey laygaga  bartay laakin hada ahan dhamaan ciyaartooda waxa ay doonayaan In ay guulo gaaraan si ay boos ugu helaan macalinka cusub.

Naadiga Chelsea ayaa sabtida la ciyaari doonta kooxda Manchester city waxaana macquul ah in kulankaas uu kasoo qeyb galo macalinka cusub ee Antonio Conte oo shaqada ka badalaya dhawaan macalinka kmg-ga ee Guus Hiddink.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here