Axmed Muuse Nuur:- Qaraxa ka Dhacay Gaalkacyo Waxaa Fuliyay Qof ka Soo jeeda Koonfurta Somaliya.

0

Kadib markii maanta  qarax ismiidaamin ahaa uu ka dhacay Woqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug waxaa arintaas ka hadlay Maamulka Gobolka Mudug ee Puntland.

Axmed Muuse Nuur Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Gobolka Mudug ee Maamulka Puntland ayaa sheegay in ruuxii isku qarxiyay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka inuu ahaa qof ka soo jeeda Koonfurta Somaliya.

Gudoomiye ku-xigeenka Labaad ee Gobolka Mudug ayaa hadalkiisa ku daray in ruuxa uu isku qarxiyay goob ay ku sugnaayeen Madax ka Tirsan maamulka Puntland iyo madax horey ugu soo tirsaneed maamulka Puntland iyo dad masaakiin ah.

Axmed Muuse Nuur Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Gobolka Mudug ee Maamulka Puntland ayaa tilmaamay in qaraxa ay ku dhinteen 8-ruux oo uu ku jirey Xisaabiyihii Wasaarada Maaliyada u qaabilsanaa Gobolka Mudug.

Dhanka kale Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyada qaraxa ismiidaaminta ee maanta ka dhacay Woqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here