Wasiirka Amniga:- Shabaab Waxaa Laga Dilay ku Dhawaad 150-200 Askari kadib Markii la Duqeeyay

0

Wasiirka amniga ee Xukuumada Soomaliya C/risaaq Cumar Maxamed oo u waramayay Laanta afka soomaliga ee Voa-da ayaa sheegay in weerarkii ay diyaaradaha Drones-ka Mareykanka ay ka fuliyeen Gobolka Hiiraan ay ku dileen ku dhawaad  tiro u dhaxeyso 150-200 oo ka tirsanaa xarakada al-shabaab.

”Waxaa la  duqeeyay goobo lagu tababaro Xarakada Al Shabaab, waxaana inta badan tababarada loo soo xiraa tiro u dhaxeyso 150-200 oo askari, sidaasi daraadeedna ay macquul tahay in dhimashada ay gaarto 200 oo nin.  ayuu yiri wasiirka.

Wasiirka waxa uu sidoo kale sheegay in duqeynta lagu dilay saraakil ka tirsanaa xarakada al-shabaab oo ka qeyb galayay xaflad loosoo xiraayay askar lagu tababaray xiro ku taala deegaanka raaso ee Degmada Buulo-barde ee Gobolka Hiiraan.

Hadalka wasiirka ayaa imaanaya xili diyaaradaha Mareykanka ay todobaadkaan duqeeyeen fariisimo al-shabaab ay ku lahaayeen deegaanka raaso wallow al-shabaab ay beeniyeen in laga dilay tirada la sheegay.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here