Dowlada Mareykanka ayaa ka hadashay hubkii ay ciidamada Badda dalka Australia ay todobaadkaan ka qabteen meel ku dhaw Biyaha dalka Cumanee bariga dhexe.
Mas’uuliyiin u hadashay dowlada Mareykanka ayaa sheegay in hubka laga keeney dalka Iiraan isla markaana loo waday xarakada al-shabaab oo dagaal xoogan kula jirta dowlada Soomaliya iyo ciidamada Nabad ilaalinta Midowga Africa ee Amisom.
Ciidamada Badda Australia guutada lagu magacaabo HMAS Darwin ayaa kaqabtay doonida yar oo lagu qariyay hubka meel 200 oo mile u jirta xeebaha dalka Cumaan, waxayna ciidamadaasi qeyb ka yihiin ciidamo ka kooban dalalka Canada, Mareykanka, UK iyo wadamo kale oo la dagaalama Burcad badeeda iyo dhoofinta waxyaabaha maanka dooriya.
“Hubkii ay dhawaan qabteen Ciidamada badda dalka Australia waxaa laga keenay dalka Iiraan waxaana loo waday al-shabaab. Shaqaalihii sarnaa doonida waxa ay ahaayeen shaqaalo u dhashtay dalka iiraan ayuu yiri Mas’uul u hadlay dowlada Mareykanka.
Dhawaan ayay aheyd markii ciidamada Badda dalka Australia ay qabteen dooni siday hub taasi oo maraysay xeebta dalka Cumaan ee Bariga dhexe. marar badan mareykanka waxa uu sheegay in dowlada iiraan ay hub siiso kooxaha xuutiyiinta dalka yemen.

