Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo Xafiiiskii ku Qaabilay Wafti ka Socdey Midowga Yurub+Sawiro

0

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa maanta March 8, 2016 xafiiskiisa ku qaabilay Wafti uu hoggaaminayo  madaxa xafiiska siyaasadda ee midowga Yurub.

Wafdigii ka socdey midowga Yurub ayaa waxay  sheegeen in ay Puntland ka caawin doonaan  hannaanka dimuqraadiyaynta Puntland ama hannaanka axsaabta badan maadaama dhowaan ay  puntland  magcawday guddigii doorashooyinka Puntland.

Waftiga ayaa sidoo kale Madaxweyne ku-xigeenka  Puntland ahna kusimaha madaxweynaha waxay kala hadleen geeddi-socodka Doorashooyinka 2016-ka iyo mawqifka Puntland ee hannaanka doorashooyinka 2016-ka.

Madaxweyne ku-xigeenka  Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar ayaa waftigii ka socdey midowga Yurub u sheegay  in Puntland ay ku shaqayso rabitaanka shabkeeda isla markaana shacabka Puntland ay hore u caddeeyeen dareenkooda ku aadan in dalka dib loogu celiyo hannaankii awood qaybsiga qabiilka ee 4.5, kaas oo waddanka hore u soo ragaadiyey, isla markaana aanay jirin haba yaraatee  wax iska beddeley go’aankaasi.

Kusimaha Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in hannaanka awood qaybsiga qabiilka ee 4.5 aanay wax dan ahi ugu jirin guud ahaan ummadda Soomaaliyeed isla markaana uu haddii la oggolaado meesha ka saari doono rajadii laga qabey helitaanka qaranimo Soomaliyeed oo  markale cageheeda isku taagta isla markaana haysata kalsoonida shacabkeeda.

Waftiga ayaa muddo kooban  ku sugnaan doona magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland waxaanay kulamo la qaadan doonaan muddada ay joogaan  Golaha Wakiillada Puntland, Wasaaradda Dastuur, Wasaaradda Amniga iyo guddiga doorashooyinka  Puntland ee dhowaan la magcaabay.

 

IMG_1937 IMG_1948 IMG_1954

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here