Xukuumadda Soomaliya ayaa si kulul u Cambaareysay qaraxii xooganaa ee ka dhacay Magaalada Ankara ee caasimada dalka Turky-ga .
Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska iyo xukuumadda Soomaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo la hadlay warbaahinta dowlada ayaa sheegay in ka xukuumad ahaan ay aad kaga xun yihiin qaraxa ka dhacay Magaalada Ankara isagoo sidoo kale tacsi u direy ehehladii dadkii kaga dhintay qaraxaas.
Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye waxa uu sidoo kale tilmaamay in la joogo xiligaan xiligiii caalamka uu hal meel ugu soo wada jeesan lahaa kooxo uu ku sheegay in ay yihiin xagjir isla markaana doonaya in ay dhibaatooyinkaan ka geystaan caalamka.
Hadal wasiirka warfaafinta xukuumada Soomaliya ayaa kusoo aadaya xili qarax xoogaan oo qasaaro badan dhaliyay uu ka dhacay caasimada dalka Turky-ga e Ankara wallow aysan jirin cid sheegatay Mas’uuliydiisa.

