Waxaa maalinta Bari oo khamiis ah la filayaa in dalka Uganda ay ka dhacdo doorashada madaxdanimo ee dalka Uganda.
Doorashada dalka Uganda oo ay ku tartamayaan musharaxiin badan ayey shacabka Uganda kala saari doonaan maalinta khamiista ah ka dib marka ay u dareeraan goobaha codbixinta ay ka dhacayso.
Dhanka kale Amaanka dalka Uganda ayaa aad loo adkeeyay waxaa goobaha codbixinta lagu arkayaa ciidamada amaanka Uganda kuwaasi oo ka qeyb qaadanaya sugida amaanka Gobahaaas.
Musharaxiinta ku tartamaya doorashada madaxtinimada ee dalka Uganda ayaa soo gaba gabeeyey ololahooda, iyadoo oo ay ugu cad cad yihiin Madaxweynaha talada dalkaas haya ee Museveni, iyo Kizza Besigye iyo Amama Mbabazi oo Mucaaradka kamid ah.
Dhanka kale Hogaamiyaha xisbiga FDC Kizza Besigye oo maalintii shalay ay saacado kooban xireen ciidamada amaanka ee dalka Uganda ayaa lagu eedeeyey inuu jabiyey amar ay soo saareen ciidamada booliska Uganda kaas oo la xidriiray in magaalada caasimada u ah dalka Uganda ee Kampala laga yareeyo mashquulka badan.

