Wasiir Maareeye:- Wasaarada Warfaafinta Way ka Madax Banaan Tahay Qilaafka ka Dhexeeya Hogaanka Nusoj

0

Wasaarada warfaafinta Xukuumadda Soomaliya oo beenisay In ay ku lug leedahay  qilaafka ka dhexeeya Hogaanka ururka suxufiyiinta qaranka soomaliyeed ee Nusoj.

Wasiirka warfaafinta Xukuumadda Soomaliya Mudane Maxamed cabdi Xayir Maareeye oo maanta shir Jaraaid ugu qabtay xafiiskiisa saxaafada Muqdisho  ayaa si kulul u beeniyay in wasaaradda warfaafinta xukuumada soomaliya ay wax ka ogtahay qilaafka u dhaxeeya hogaanka ururka Suxufiyiinta qaranka Soomaliyeed ee Nusoj.

“wasaarada warfaafinta way ka madax banaan tahay qilaafka ka dhexe jira Hogaanka Ururuka ayuu yiri wasiirka waraafinta dhaqanka iyo dalxiiska xukuumada soomaliya Maxamed cabdi xayir Maareeye.

Dhanka kale Wasiirka warfaafinta Xukuumadda Soomaliya Mudane Maxamed cabdi Xayir Maareeye ayaa la kulmay Gudiga dhexdhaxaadinta qilaafka Hogaanka ururka Nusoj wuxuuna tilmaamay wasiirka Maareeye  in wasaaradiisa ay si weyn usoo dhaweynayso. dadaalada uu wado gudiga dhexdhaxaadinta qilaadka Hogaanka Nusoj.

Wali waxaa jira qilaafka ka dhaxeeya Hogaanka ururka suxufiiyinta qaranka soomaliyeed ee Nusoj.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here